Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Afghanistan: Taliban oo Khaarijisay Sarkaal ka Tirsan Dowladda


Taliban
Taliban

Kooxda Taliban ayaa Jimcaha maanta ah toogasho ku dishay madaxa xarunta warbaahinta dowladda ee Afghanistan meel u dhow masaajid ku yaalla caasimadda, maalmo ka dib markii ay digniin ku soo saartay in ay beegsan doonto saraakiisha dowladda oo ay kaga aargudaneyso duqeymaha cirka ee sii kordhaya.

Weerarkan khaarijinta ee loo gaystay sarkaalkan sare ayaa imanaya saacado ka hor shir ay leeyihiin Golaha Ammaanka ee QM ee magaalada New York oo looga hadlayo colaadda Afghanistan.

Dhanka kale, Britain ayaa magangalyo siin doonta wariyeyaasha Afghaaniyiinta ah ee la shaqeeya xarumaha warbaahineed ee UK kuwaasi oo hadda wajahaya hanjabaao dil oo uga imanaya kooxda Taliban, sidaasina waxaa Jimcaha maanta ah sheegay xoghayaha arrimaha dibadda UK Dominic Raab.

Isaga oo ka jawaabaya warqad ay qoreen wargayada iyo warbaahinta Britain ugu magaca dheer kuna dalbanayeen in dowladdu ay magangalyo siiso wariyeyaashooda Afghanistan, Raab ayaa sheegay in qorshahan uu u oggolaan doono dib u dejin kiisaska aadka muhiimka u ah.

“Warqaddiinu waxa ay iftiimisay halista soo food saartay shaqaalaha Afghanistan uga soo shaqeeyay warbaahintiina, gaar ahaan halista aargoosi ee ay kala kulmayaan Taliban xiriirkooda UK awgeed,” ayuu yiri.

Dhammaan wargeysyada Britain iyo TV-yada Sky News iyo ITN ayaa saxiixay warqaddan oo Khamiistii loo diray dowladda, taasi oo ka digtay in ka bixista ciidamada shisheeye ee uu Mareykanku hogaamiyo ay khatar xooggan ku keentay wariyeyaasha warbaahinta Afghanistan.

AFP

XS
SM
MD
LG