Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Golaha Wakiilada Somaliland oo doortay guddoomiye


Golaha Wakiilada Somaliland
Golaha Wakiilada Somaliland

Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif ayaa maanta loo doortay inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ee Somaliland, ee lagu soo doortay doorashadii dhacday dabayaaqadii bishii May.

Cabdirisaaq Khaliif, oo ka tirsan xisbiga Waddani, ayaa codeyn ka dhacday golaha kaga adkaaday wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Somaliland Yaasiin Faratoon, isagoo helay 42 cod, halka Faratoon uu ka helay 39.

Xisbiyada Mucaaradka ee Waddani iyo Ucid ayaa isbaheysi ku ahaa codeynta maanta dhacday.

Labada xisbi ayaa doorashadii 31-kii May ka helay kuraasta ugu badan. Xisbiga Waddani ayaa noqday kan ugu kuraasta badan Golaha Wakiilada Somaliland wuxuuna helay 31 kursi, halka Xisbiga Ucid oo galay kaalinta saddexaad uu helay 21. Xisbiga Kulmiye ayaa helay 30 kursi.

Marka la isku geeyo, labada xisbi ayaa helay 52 kursi, ama 63% aqlabiyadda Golaha Wakiilada, inkasta oo kadib doorashada ay dhowr xildhibaan sheegeen inay ka baxeen oo ay ku biireen dhanka Kulmiye.

Warbixinta waa Hargeysa kasoo diray Khadar Maxamed Cakulle

Golaha Wakiilada Somaliland oo doortay guddoomiye
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:27 0:00


XS
SM
MD
LG