Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaaliya oo gashay kaalinta 10-aad ee orodka Olombikada Tokyo


Orodyahan Cali Iidow Xasan oo Soomaliya ku matalayay oradka 15,00 Mitir ee cayaaraha Olombikada adduunka oo ka socda magaalda Tokyo ee waddanka Japan ayaa galay kaalinta 10-aad.

Cali Xasan ayaa ku orday 3:43.9, wuxuuna ka hormaray orodyahanno u dhashay dalalka Qatar, Poland, Equatorial Guinea, Brazil, Spain, iyo Morocco, waxaana tartankan kaalinta ugu horreysa ku soo baxay Kipsang Abel oo u dhashay Kenya, halka kaalinta ku xigta ee labaadna u soo galay Centrowitz Matthew oo u dhashay Mareykanka.

Wariyaha VOA ee Qaarada Australia iyo Koonfurta Asia Ibrahim Cumar Baafo ayaa qadaka telefoonka kula xiriirey tababaraha Cali iidow iyo Gudoomiye kuxigeenka labaad ee gudiga Olimbikada Soomaaliyeed oo ku sugan garoonka ay ka socdaan cayaarahaas.

Soomaaliya oo gashay kaalinta 10-aad ee orodka cayaaraha Olombikada Tokyo
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:12 0:00


XS
SM
MD
LG