Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed Laftagareen ayaa galinkii danbe ee maanta soo saaray liiska musharraxiin ku tartami doona 5 ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Sooomaaliya.
Liiska musharraxiinta aqalka sare ee lagu dhawaaqay ayaa inta badan ah dhallinyaro ku cusub siyaasadda dalka.
Liiska ayaa waxaa laga saaray xubno ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka 10-aad, waxaana ka mid ah Senator Xuseen Sheikh Maxamuud, Senator Ilyaas Cali Xassan, iyo Senator Cabdullaahi Cabdi Garruun.
Senator Xuseen Sheikh ayaa ah xoghayaha xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheikh Maxamuud. Senator Ilyaas ayaa isna ah Xogahayaha Arrimaha Dibadda ee Xisbiga Himilo ee uu isna hoggaamiyo Madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed.
Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in madaxweynaha Koonfur Galbeed uu soo saaro musharraxiinta ku baratami doona saddexda kursi ee ka harsan sideedda senator ee gobolkaasi uga mid noqoneya aqalka sare ee baarlamaanka 11-aad.
Dhinaca kale Guddiga Hirgellinta Doorashada Heer Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa soo saarey jadwalka doorashada Aqalka Sare.
Waxa ay gudiga doorashada Koofur galbeed shaaciyeen in maalinta Isniinta oo taariikhdu tahay 2-da August 2021-ka lagu qaban doono Magaalada Baydhabo doorashada xubnaha aqalka sare.
Facebook Forum