HARGEYSA —
Dab xalay ka kacay xaafadda Daami ee magaalada Hargeysa ayaa waxaa ku geeriyooday laba caruur ah, sida ay ehelkoodu xaqiijiyeen. Dabka ayaa ka kacay guriga ay caruurtani ku noolaayeen ee xaafadda Daami. Caruurta ayaa da’doodu kala ahayd lix jir iyo afar jir.
Warkan waxa Hargeysa ka soo diray Khadar Maxamed Cakule.
Facebook Forum