JIGJIGA —
War-saxaafadeed ka soo baxay xukuumadda Islaamulka Soomaalida ee Ethiopia ayaa lagu sheegay in maamulka Cafarta ee dalka Ethiopia uu ka dambeeyey dil loo geystay dad ku noolaa deegaanka Garbo Ciise ee dalkaas.
Dadka la dilay oo aan la hayn tiradooda sax ah ayaa lagu sheegay inay gaarayaan dhowr boqol oo qof, sida uu sheegay maamulka Soomaalida.
Haddaba faahfaahinta dhacdadan ayaa Maxamed Cabdi Sandheere uu ka wareystay Maxamed Rooble Maxamuud, Wasiir Ku-xigeenka Xafiiska Warfaafinta Dawlad-deegaanka Soomaalida. Waxa uu ugu horeyn weydiiyey halka uu ku sugan yahay.