Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa guluf dagaal oo xooggan maalmihii la soo dhaafay ku qaaday saldhigyo ay leeyihiin maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ee bartamaha Soomaaliya.
Howlgalladan dhanka dhulka ah waxaa barbar socday duqeymo cirka ah oo uu Maraykanku ku taageerayay ciidamada kuwaasi oo lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab, waxaana wararku sheegayaan in Shabaabku ay khasaare kala duwan kala kulmeen.
Mas'uulyiin iyo khubaro dhanka amniga ah ayaa sheegaya in duqeymaha dhanka cirka ee ka dhanka ah Al-Shabaab ay ahmiyad gaar ah u leedahay sidii ay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ugu guulaysan lahaayeen dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab.
Khadar Maxamuud Xareed ayaa warbixintan ka soo diray Nairobi.
Facebook Forum