Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciyaarihii Olimbiga oo ka furmay Tokyo


Tokyo 2020 Olympics
Tokyo 2020 Olympics

Waxaa maanta magaalada Tokyo ee caasimadda dalka Japan si rasmi ah uga furmay tartamada ciyaaraha Olimbikada Aduunka ee Tokyo 2020. In ka badan 11 kun oo ciyaartooy oo ka socda 206 waddan oo caalamka ah ayaa lagu wadaa in ay ka qeybgalaan ciyaaraha sanadkaan. Dalalkaasi waxaa ka mid ah Soomaaliya oo uga qeybgaleysa laba xiriir oo kala ah orodka iyo feerka.

Haddaba, xafladda furitaanka iyo xaaladda wafdiga iyo ciyaartooyda Soomaalida ayaan ka wareystay xoghayaha guud ee Guddiga Olombikada Soomaaliya Maxamed Cabdo Xaji oo hadda ku sugan Tokyo.

Dhageyso furitaanka ciyaaraha Olimbiga
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:26 0:00


XS
SM
MD
LG