MUQDISHO —
Caalamka Islaamka oo dhan iyo waddamada kale ee ay ku nool yihiin dadka Muslimiinta ah, gaar ahaan Soomaalida, ayaa waxaa maanta looga dabbaal-degay Ciidul Adhxa oo ah mid ka mid ah labada ciidood ee ugu weyn Islaamka.
Mas’uuliyiinta kala duwan ayaa farriimo ku aaddan ciidda u diray shacabka Muslimiinta ah. Waxaan idiin haynaa warbixino ku saabsan sida looga ciiday magaalooyinka ay Soomaalidu deggan yihiin.
Warbixinadan waxaa soo diray weriyayaasha VOA ee Muqdisho, Hargeysa, Jigjia, Jabuuti, Nairobi, Dhadhaab, Gaalkacyo, Beledweyne, Kismaayo, iyo Baydhaba.