Isku xirrada

War Deg-Deg ah

DDS: Waa Macquul in Ciidan aan u Dirno Gobolka Tigray


Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaa sheeegtay inay suurta gal tahay inay ciidamo ka tirsan kuwa maamulka ay u diraan dhinaca Gobolka Tigray ee Waqooyi Ethiopia si ey uga qeyb qaataan dagaalada halkaa ka socda, laakiin ilaa iyo hadda aysan jirin ciidamo ay direen.

Wareysi gaar ah oo uu siiyay VOAda Wasiirka Warfaafinta ee Dawlad Deegaanka Soomaalida ee Ethiopia Cali Badal Muxumed ayuu ku sheegay in Dowlad Deegaanka ay qeyb ka tahay Dowladda Federalka ee Ethiopia isla markaana ay taageero u fidinayaan dowladda dagaalka ay kula jirto Jabhadda TPL, laakiin wuxuu meesha ka saaray warar maalmihii la soo dhaafay la isla dhexmarayay oo sheegay in Maamulka uu ciiddan diray.

Wasiirka ayaa magaalada jigjiga ugu waramayay wariyaha VOAda Maxamed Cabdiraxmaan Gaataa.

Dhageyso wareysiga Wasiirka Warfaafinta Ismaamulka Soomaalida
please wait

No media source currently available

0:00 0:12:18 0:00


XS
SM
MD
LG