Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kumuu ahaa Dr. Cabdicasiis Maalinguur oo Muqdisho ku geeriyooday?


Prof. Abdulaziz Malingur
Prof. Abdulaziz Malingur

Allah ha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday Prof. Cabdelcasiis Maalinguur oo kamid ahaa aqonyahanka Soomaaliyeed ee kaalinta wanaagsan ka qaadanayay in wax la baro dhallinyarada jaamacadaha.

Dr. Cabdicasiis oo bartay cilmiga caafimaadka ayaa ka baxay jaamacado ku yaalla Mareykanka uu muddo ku noolaa, waxa uuna hadda kamid ahaa aqoonyahanka wax ka dhigayay kuliyadda caafimaadka ee Jaamacadda SIMAD ee Muqdisho.

Maamulka sare ee Jaamacadda SIMAD ayaa VOA-da u sheegay in uusan horay u qabin xanuun, balse dhakhaatiirta ay u sheegeen in uu u dhintay xanuun dhinaca wadnaha ah.

Weriyaha VOA-da ee Muqdisho Cabdicasiis Barrow ayaa shakhsiyaddii Prof. Cabdicasiis Maalinguur ka wareystay guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD Prof. Daahir Xasan Carab.

Kumuu ahaa Dr. Cabdicaziiz Maalinguur oo Muqdisho ku geeriyooday?
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:56 0:00


XS
SM
MD
LG