Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wararkii ugu dambeeyey rabshadaha Koonfur Afrika iyo tirada dhimashada oo korortay


Dowladda Koonfur Afrika ayaa Arbacadii dalbatay 25,000 oo askari oo lagu xakameeyo rabshadaha ka socda dalkaas oo galay maalintii toddobaad, xilli ay jiraan cabsiyo la xiriira cunno iyo biyo yari.

72 qof ayaa la dilay in ka badan 1,200 oo kalena waa la xiray, tan iyo markii ay rabshadaha billowdeen kadib markii madaxweynihii hore ee dalkaas Jacob Zuma ay billaabatay 15 bilood oo xabsi ah, taasi oo dhalisay dibad-baxyo isku rogay rabshado.

Bililiqo xooggan ayaa saameeyey badeecadihii iyo qadadkii gaadiidka ee gobolka koonfurta bari ee KwaZulu, taasi oo kadibna saameysay dalka oo dhan.

Dowladda ayaa sheegtay in 208 dhacdo oo bililiqo iyo burburin la diiwaan-geliyey Arbacadii, ayada oo ciidamada ay daad-gureysay dowladda ay gaareen 5,000.

Hase yeeshee wasiirka gaashaandhigga Nosiviwe Mapisa-Nqakula ayaa goor dambe baarlamanka u sheegtay “inay gudbisay codsi ay ku dooneyso 25,000 oo askari oo kale.” Daad-gureynta ciidamada ayaa waxaa ansixiyey madaxweynaha.

Wasiirka ma aysan sheegin haddii ciidamadan lagu daadin doono waddooyinka.

Dowladda ayaa waxaa saaran cadaadis xooggan oo lagu dalbanayo inay kordhiso ciidamada waddooyinka si loo qaboojiyo rabshadaha oo dhulka lasii galaya dhaqaalaha dalkaas oo markii horeba xumaa.

Reuters

XS
SM
MD
LG