Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Bush 'oo khalad u arka' ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Afghanistan


George W. Bush
George W. Bush

Madaxweynihii hore ee Mareykanka George W. Bush oo ahaa madaxweynihii ciidamada Mareykanka u diray Afghanistan sanadkii 2001, si ay u tirtiraan goobaha tababarka argagixisada Al-qaacida kaddib weeraradii 11-kii September ayaa sheegay inay khalad tahay in ciidamada Mareykanka laga saaro Afghanistan.

Bush, tan iyo markii uu xafiiska ka tagay sanadkii 2009 marar dhif ah ayuu ka faallooday ficillada seddexda madaxweyne ee talada Mareykanka uga dambeysay, kuwaas oo kala ah- Barack Obama, Donald Trump iyo Joe Biden.

Laakiin iyadoo Biden uu si dhaqso leh uga saarayo ciidamada Mareykanka Afgaanistan, uuna sheegayo in dhamman ciidamada Mareykanka ay gudaha dalka ku soo noqon doonaan dabayaaqada bisha soo socota ee October, ayaa Bush wuxuu sheegay inuu ka walwalsan yahay sida ay Taalibaan haddii ay mar labaad xukunka la wareegaan ay ula dhaqmi doonaan haweenka, carruurta, iyo dadkii kale ee taageeray ciidamada Mareykanka iyo kuwa NATO.

Wareysi la sii daayay Arbacadii, ayuu Bush u sheegay warbaahinta Jarmalka ee Deutsche Welle "Waxaan ka baqayaa in haweenka iyo gabdhaha reer Afghanistan ay la kulmaan dhibaato aan la qiyaasi karin."

Mar la weydiiyay hadii ay khalad tahay in Biden uu ciidamadiisa kala baxo Afgaanistan, Bush wuxuu yiri, "Waxaan u maleynayaa inay tahay, haa, sababtoo ah waxaan u maleynayaa in cawaaqib xumada ka dhalata ay noqon doonto mid aan la rumaysan karin oo xun, waana la murugeysanahay."

Taalibaan waxay sheegatay inay 85% maamusho dalka Afghanistan, taas oo ay walaac ka muujiyeen saraakiisha waaxda difaaca Mareykanka ee Pentagon.

Bush wuxuu sheegay in Taalibaan ay argagax galisay dumarka reer Afghanistan, ayna “ka baqayaan” rajada ah inay mar kale ku noolaadaan xukunka Taalibaan. Bush wuxuu sidoo kale sheegay inuu ka walwalsan yahay halka ay ku dambeyn doonaan kumanaan reer Afghanistan ah oo turjubaanno u ahaa ciidamada Mareykanka iyo kuwa NATO 20-kii sano ee la soo dhaafay.

"Waxaan ka fikirayaa dhammaan turjubaannadii iyo dadkii kale ee caawiyay ciidamada Mareykanka iyo kuwa NATO, waxayna u muuqataa in looga soo tagay gowraca dadka arxanka daran, qalbiga ayay iga dhaawaceysaa," ayuu yiri George Bush.

XS
SM
MD
LG