Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Talyaaniga oo ku guuleystay koobka Euro 2020


Xulka Kubadda Cagta Talyaaniga ayaa xalay ku guuleysay koobka Qaramada Qaaradda Yurub ee Euro 2020, kaddib markii ay rigooreyaal 3-2 ah uga badiyeen dhiggooda Ingiriiska ciyaartii kama-dabeysta aheyd ee koobkaas oo ka dhacay garoonka Wembley ee magaalada London.

Ciyaartan oo la isla gaaray wakhtiga dheeriga ah ayaa 120-kii daqiiqo ee la ciyaaray ku soo idlaatay 1-1, hayse yeeshee waxaa lagu kala kabaxay rigooreyaal, iyadoo goolhayaha xulka Talyaaniga Gianluigi Donnarumma uu noqday xiddiga tartankan.

Ingiriiska oo goolka la hormaray waxaa daqiiqaddii labaad u dhaliyay difaacooda Luke Shaw, laakiin Talyaaniga ayaa qeybtii labaad ee ciyaarta la yimid gool barbar dhac ahaa oo uu dhaliyay difaacooda Leonardo Bonucci daqiiqaddii 67-aad.

Warbixin ku saabsan ciyaartaas waxaa ka diyaariyay wariyaha VOA Cabdulqaadir Maxamed Mursal (Samakaab).

Talyaaniga oo ku guuleysay koobka Qaramada Yurub ee Euro 2020
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:48 0:00


XS
SM
MD
LG