Isku xirrada

War Deg-Deg ah

12 qof oo ku dhintay shil gaari bas ah oo ka dhacay Turkey


Ugu yaraan 12 qof ayaa ku geeriyooday, 26 kalena waa ku dhaawacmeen, kaddib markii uu gaari bas aha oo ay la socdeen muhaajiriin u kala dhashay dalalka Afghanistan, Pakistan iyo Bangladesh uu shil ku galay bariga Turkey subixii hore ee saaka, sida ay sheegeen maamulka deegaankaas.

Shilka ayaa ka dhacay degmada Muradiye ee gobolka Van oo u dhaw xadka Turkigu uu la wadaago Iran, halkaas oo uu dab ku qabsaday gaarigan kaddib markii uu ku dhacay god biyo-mareen ah. Milkiilihii baskan ayaa la xiray, sida ay Reuters u sheegeen laba ilo wareed oo xog-ogaal ah.

Turkiga ayaa marin muhiim ah u ahaa tahriibayaasha doonaya inay u sii gudbaan Yurub.

Muhaajiriinta oo badankood ka yimid Iran, Afghanistan iyo Pakistan, waxay si joogto ah uga gudbaan xadka Iran ee dhanka Turkiga iyaga oo lugeynaya kahor inta aan loo qaadin dhanka galbeed ee magaalooyinka sida Istanbul iyo Ankara.

Reuters

XS
SM
MD
LG