Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kismaayo: RW Rooble oo looga warbixiyey xaaladda ciidanka D. Federaalka


Xukuumada Reysalwasaare Rooble ayaa balanqaaday wax ka qabashada baahiyaha heesta Ciidamada Xooga dalka ee ku sugan Magaalada Kismaayo kuwaasi oo ay saameeyeen qilaafaadyadii sayaadeed ee u dhaxeeyay dowlada Soomaaliya iyo Maanulka Jubbaland kadib kulan uu Reysalwasaaraha la qaatay saraakiisha ciidamada.


Faafaahinta warkaas waxaa Kismaayo kasoo diray waryaha VOA Adan Maxamed Salaad.

Dhinaca kale, maalintii shalay diyaarad sidday la-teliyaha arrimaha doorashooyinka ee madaxweynaha Soomaaliya Cabdi Cali Raage ayaa laga soo celiyay magaalada Kismaayo ee maamulka Jubaland.

Cabdi Cali Raage oo hadda ku sugan Muqdisho ayaa waxaa la kulmay weriyaha VOA-da ee Muqdisho Cabdicasiis Barrow, waxa uu ugu horreynna weydiiyay waxa uu ku saabsanaa socdaalkiisa iyo in uu abaabul amniga ka dhan ah uu ka waday Kismaayo?

Dhagesyo tabashada ciidanka Jubaland ku sugan
please wait

No media source currently available

0:00 0:10:50 0:00


XS
SM
MD
LG