Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ayaa sheegay inay aad uga walaacsan yihiin xaaladda iyo wararka la xiriira dhallinyarada Soomaaliyeed ee tababarka ciidan loogu diray dalka Eritrea.
War-saxaafadeed kasoo baxay golaha ayaa lagu sheegay “in lasoo sheegay in ciidamadaas ay qeyb ka ahaayeen” dagaalladii sokeeye ee Ethiopia oo ka dhacayey gobolka Tigray.
“Wararka la xiriira joogitaanka dhallinyaradaas ee Ethiopia iyo ka qeybgalkooda dagaallada sokeeye waxaa xaqiijiyey Hay'adda Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay iyo madax ka tirsan dawlado caalami ah oo u kuur galay dagaaladaas,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Waxay sidoo kale Golaha ku eedeeyeen madaxweyne Farmaajo inaanu dhageysan dacwado ay soo jeediyeen waalidiinta dhallinyaradaas oo ka codsaday dawladda ay ka hadashay xaaladda dhallinyarada.
“Waxaa nasiib-darro ah in Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday oo ah mas'uulka u sarreeya ee Ciidamada Qalabka Sida inuu dhegaha ka fureystay oo diiday inuu si muuqata uu shacabka Soomaaliyeed uga jaahil bixiyo eedeymahaas,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
“Waxaan umaddda Soomaaliyeed la qeybsaneynaa in dhacdadaan ay tahay mid aan la iska indha-tiri karin oo ay mas'uuliyaddeeda dusha ka saaran tahay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.”
Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa ugu dambeyn sheegay inay ugu baaqayaan madaxweyne Farmaajo iska casilo xilka, umadda Soomaaliyeed ka hor-istaagto inuu u tartamo xilka mar kale, ayaga oo sababtana ku sheegay “inuu ku takri falay ilaalinta Dastuurka Qaranka,” sida war-saxaafadeedka lagu yiri.
VOA-da oo la xiriirtay dowladda federaalka kama aysan jawaabin eedeymahan cusub, hase yeeshee xukuumadda marar hore ayey dhowr goor beenisay in ciidamo Soomaali ah ay ka dagaalameeen gobolka Tigray.