Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Soomaaliya oo Al-Shabaab kala wareegay Bacaadweyne


Bacaadweyne
Bacaadweyne

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedka Galmudug ayaa dib ula wareegay degmada Bacaadweyne, kaddib markii ay ka baxeen maleeshiyada Al-Shabaab oo hore u joogay degmadaas.

Ilo-wareedyo ayaa VOA u sheegay in ciidmada dowladda oo kaashanaya kuwa Galmudug iyo shacabka deegaanka ay labadii maalmood ee la soo dhaafay qorsheynayeen wareer ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab, taasina ay keentay in Al-Shabaab ka baxdo degmada Bacaadweyne.

Wasiirka amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray in Al-Shabaab laga qabsaday degmada Bacaadweyne iyo tuulooyinka Qaycad iyo Sabeeno Gawrac.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa todobaadkii hore weerar ku soo qaaday magaalada Wisil ee isla gobolka Mudug, halkaas oo ku dhinteen ku dhawaad 30 qof, kaddib dagaal dhexmaray iyaga iyo ciidmada Daraawiishta Galmudug.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale Axaddii soo weeraray garoonka diyaaradaha ee Dhuusamareeb, waxaana dagaal ka dhacay bar laga ilaaliyo garoonka oo u dhexeysa Dhuusamareen iyo deeganka Ceel-dheer ay ciidmada dowladdu ku dileen ugu yaraan 10 ka tirsanaa maleeshiyada Al-shabaab.

Degmada Bacaadweyne ayay bishii April la wareegtay maleeshiyada Al-shabaab, kaddib markii ay ka baseen ciidmada militariiga dowladda Soomaaliya.

Ilo amni oo la hadlay VOA ayaa sheegaya in ciidmada dowladda iyo Galmudug ay qorsheynayaan howlgallo Al-shabaab looga xoreynayo magaalooyinka Camaara iyo Caad ee isla gobolka Mudug.

XS
SM
MD
LG