Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Warbixin ku saabsan arday lagu dhex dilay Jaamacadda Camuud


Boorama
Boorama

Arday ka mid ahaa ardayada Jaamacadda Camuud ee magaalada Boorama ayaa fiidnimadii xalay uu Askari ka tirsan Booliska Somaliland ku dilay xarunta Jaamacada, waxaana ardayga la dilay la dilay oo ka tirsanaa kulyadda Injineeriyadda magaciisu ahaa Ibrahim C/shakur Ibrahim.

Ibrahim, ayaa ka mid ahaa ardaydii shalay qaatay imtixaankii ugu dambeeyay ee sanadka labaad ee Jaamacadda.

Guddoomiyaha Jaamacadda Suleymaan Axmed Guuleed ayaa u sheegay VOA in askariga dilay uu ka tirsanaa ilaalada jaamacadda.

Hashim Sheekh Cumar Good ayaa warbxintan ka soo diray Boorama.

Warbixin ku saabsan arday lagu dhex dilay Jaamacadda Camuud ee magaalada Boorama
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:37 0:00


XS
SM
MD
LG