Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Munaasabadda Kowda Luulyo oo laga xusay Soomaaliya


Calanka Soomaaliya
Calanka Soomaaliya

Magaalada Muqdisho waxaa xalay iyo maanta lagu qabtay munaasabado lagu weyneynayo markii ay gobollada koonfureed xorriyadda ka qaateen gumeystihii Talyaaniga iyo midowgii gobollada Waqooyi iyo Koonfur ee Soomaaliya ee kowdii July 1960-kii, markaas oo ay dhalatay Jamhuuriyaddii Soomaaliya.

Sidoo kale munaasab weyn oo lagu xusayo maalintan ayaa ka dhacday magaalada Baydhabo, oo xarun ku-meel gaar u ah Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Weriyayaasha VOA ee Muqdisho iyo Baydhaba Xasan Kaafi Cabdiraxmaan Qoyste iyo Wariyaha VOA-da Mukhtaar Maxamed Catoosh ayaa warbixino kasoo diray munaasabadahan.

Munaasabadda Kowda Luulyo oo laga xusay Soomaaliya
please wait

No media source currently available

0:00 0:09:38 0:00


XS
SM
MD
LG