Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Maxaa u sahlay Suldaan Saciid inuu xildhibaan ka noqdo Finland?


Suldaan Saciid Axmed
Suldaan Saciid Axmed

Suldaan Saciid Axmed oo ah wiil Somaliyeed oo dhalinyaro ah oo horey uga tirsanaa xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Magaalada Helsinki ee dalka Finland ayaa noqday Somaligii iyo Afrikankii ugu horeeyay ee ku biira Baarlamanka dalkaas.

Suldaan, oo 24-jir ah ayaa qaxootinimo ku tagay Finland isagoo 14 sana jir ah, wuxuuna hore ugu tartamay booskan, isagoo soo galay kaalinta labaad.

Waxaa u suurgashay haatan inuu kursigan ku guuleysto, kaddib markii xildhibaankii ku fadhiyay loo doortay Barlamanka Yurub, kursigaana uu sidaa ku banaanaaday.

Wariyaha VOA ee Washington Maxamed Colaad Xassan ayaa Suldaan kula xiriiray Khadka Taleefanka ee magaalada Helsinki ee dalka Finaland, wuxuuna ugu horeyn weydiiyay dareenkiisa ku aadan xilkan.

Wareysi: Sidee ayay ugu suuragashay Suldaan Saciid Axmed inuu xildhibaan ka noqdo Finland?
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:57 0:00


XS
SM
MD
LG