NAIROBI —
Dalka Kenya wali waxaa ka taagan khilaaf ka dhashay arrimaha BBI ee lagu doonayo in isbadal lagu sameeyo Dastuurka Kenya, waxaana Maxkamadda Racfaanka dowladda Kenya ay hadda waddaa dhagaysiga sharcigan oo ay dhowaan diiday maxkamadda sare.
Dadka sharciga BBI diidan waxaa kamid ah Siyaasiinta Soomaalida ee dalkaasi kuwaas oo sheegaya in Soomaalida Kenyan uusan faa’iido u lahayn sharcigan cusub.
Wariyaha VOA ee magaalada Nairobi Khada Maxamuud Xareed ayaa warbixintan inooga soo diray.