Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maalinkii koowaad ee shirka golaha wadatashiga oo soo dhammaaday


Ra'iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda Maamul Goboleedyada oo ku shirsan Muqdisho
Ra'iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda Maamul Goboleedyada oo ku shirsan Muqdisho

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho, kadib markii la qanciyey madaxweynaha maamulka HirShabeelle oo Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo shalay qaadacay shirka, ayaa lasoo geba-gebeeyey maalinkiisii koowaad..

Qoraalka kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu sheegay in shirkan, oo uu oo uu guddoominayey Ra'iisul Wasaaraha looga hadlayo dardargelinta howlaha doorashooyinka iyo waxyaabihii ka hirgalay heshiiskii 27-kii May ee hannaanka doorashooyinka dalka.

Goor sii horeysay, Xafiiska Rooble ayaa sheegay inuu ka raali-geliyey madaxweynaha maamulka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudaalwe tabasho uu ka qabay ka qeyb-galka shirka.

Maamul goboleedka HirShabeelle ayaa qoraal uu shalay soo saaray ku sheegay inaanu ka qeyb geli doonin shirka wada-tashiga qaran kadib markii uu sheegay inaan lagala tashin, sidoo kalena wixii kasoo baxa aysan quseyn.

Qoraalka xafiiska xafiiska Rooble ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen rooble oo telefoonka kula hadlay madaxweynaha HirShabeelle Guudlaawe ayaa ka raalli galiyay tabashadii uu ka qabay ka qeyb galka Shirka Golaha Wadatashiga.”

Sida maanta shirka u dhacay waxaa ka warbixiyey afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macallimuu.

Maalinkii koowaad ee shirka golaha wadatashiga oo soo dhammaaday
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:05 0:00



XS
SM
MD
LG