Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Puntland oo toogatay 21 qof oo ku eedeysnaa argagixisonimo


Maxkamadda Ciidamada Puntland ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa goor dhaweyd toogatay 18 qof oo dhawaan lagu xukumay dil, kaddib markii lagu helay falal aragagixisonimo ah, sida ay sheegtay waaxda caddaaladda ee Puntland.

Laba eedeysan ayaa iyagana lagu toogtay magaalada Garoowe, halka mid kale isna lagu toogtay magaalada Qardho, taas oo isugeyn wadarta guud ka dhigeysa 21.

Wariyaha VOA-da ee magaalada Gaalkacyo Cabdiwaaxid Macalin Isxaaq ayaa soo sheegay in tirada markii hore dilka lagu xukumay ee magaalada Gaalkacyo ay ahaayeen 17 eedeysane, hase yeeshee ay maxkamaddu dib ugu laabtay kiiska eedeysanaha kale, Isla markaana saaka Gaalkacyo lagu dilay 18 eedeysane.

Labad todobaad kahor ayay aheyd markii maxkamaddu ay raggan ku xukuntay dilka, waxaana Guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada Puntland Jeneraal Maxamuud Cabdi Maxamed uu VOA u sheegay markii ay go'aankan maxkamaddu ridday inuu ahaa mid caddaalad ah.

Ehellada mid ka mid ah ragga la xukumay ayaa VOA u sheegtay inay maxkamaddu ahayd caddaalad darro. Waxay codsatay in magaceeda la qariyo sababo dhinaca amniga ah.

Warkan waxaa Gaalkacyo kasoo diray Cabdiwaaxid Macallin Isxaaq.

Puntland oo toogatay 21 qof oo ku eedeysnaa argagixisonimo
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:04 0:00



XS
SM
MD
LG