Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Takoor noocee ah ayay la kulmaan Soomaalida la nool HIV/AIDS?


Dr Shaafici Shariif Maxamed.
Dr Shaafici Shariif Maxamed.

Dadka qaba xanuunka HIV/AIDS-ka Soomaaliya ayaa bulshada kala kulma faquuq xooggan sida lagu sheegay daraasad dhawaan lagu soo bandhigay magaalada Muqdisho.

Cilmi-baaristan ayaa sidoo kale lagu qeyxay in bukaannada xanuunka qaba aysan awoodin inay is-muujiyaan cabsi ku aaddan takoor inay kala kulmaan bulshada, taasina ay suuragal ka dhigi karto in ogaal la'aan xanuunka uu ku baaho.

Daraasaddan ayaa sidoo kale lagu shaaciyay inay muhiim tahay in bulshada la wacyigeliyo, si dadka xanuunka qaba aan looga saarin bulshada.

Weriyaha VOA-da ee magaalada Muqdisho Cabdicasiis Barrow ayaa cilmi-baaristaan ka wareystay cilmi-baarahii soo bandhigay daraasadda Dr Shaafici Shariif Maxamed.

Takoor noocee ah ayay la kulmaan Soomaalida la nool xanuunka HIV/AIDS?
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:35 0:00


XS
SM
MD
LG