Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nin Soomaali ah oo seddex qof ku dilay toorey dalka Jarmalka


Nin toorey dheer ku hubeysan ayaa seddex qof ku dilay ,halka shan kalena uu ku dhaawacay oo qaarkood dhaawacoodu daran yahay magaalda dhinaca koofureed ku taala dalka Jarmalka ee Wurzburg Jimcihii shalay, kahor intii aysan boolisku dhaawicin, isla markaana xirin.

Ninkan ayay boolisku ku sheegeen 24 jir Soomali ah oo ku noolaa magaaladaas, dhaawiciisa ayaan aheyn mid daran, sida ay boolisku sheegeen.

Sarkaal sare oo ka tirsan booliska oo lagu magacaabo Joachim Hermann ayaa sheegey in dadka dhaawacmay uu ka mid yahay wiil yar kaasoo aabihii ay u badan tahay inuu ka mid yahay dadka dhintay.

Ninka falkan geystay ayay boolisku sheegeen inuu daawo dhinaca dhimirka ah qaadanayay kahor intii uusan weerarkan geysan, isla markaana ay boolisku la socdeen.

Ma jirto wax badan oo laga ogyahay sababta uu ninkani weerarkan u geystey.

Muuqaal boggaga internetka la soo galiyay ayaa muujinaayay dadweyne isku dayayay in ay ninkan joojiyaan weerarkiisa iyagoo ulo iyo kuraastii ay ku fadhiyeen u adeegsanayay.

XS
SM
MD
LG