Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Daraasad: COVID-19 oo saameyn weyn ku yeeshay waxbarashada Soomaaliya


La-dagaallanka xanuunka COVID-19 waxa uu Soomaaliya ku yeeshay saameyn dhaqaale oo xooggan, laakiin hadda daraasad la sameeyay ayaa lagu sheegay in dhinaca kalana uu saameeyay ardayda iyo jaamacadaha dalka.

Jaamacadda SIU ee Muqdisho oo toddobaadkan ku qabatay caasimadda Soomaaliya kulamo lagusoo bandhigayay cilmi baaris kala duwan ayaa mid kamid ah daraasadaha lasoo bandhigay waxaa lagu qeexay in ardayda waxbarashada sare qaarkood ay ka hareen jaamacadihii, halka jaamacadaha qaarna ay kari la'yihiin iney sii wadaan howshii waxbarashada.

Axmed Sheekh Cali Axmed Saabir oo kamid ah aqoonyahankii daraasadaan soo bandhigay ayaa weriyaha VOA-da ee Muqdisho Cabdicasiis Barrow uga warramay sida uu COVID-19 u saaeeya waxbarashada dalka.

Daraasad: COVID-19 oo saameyn weyn ku yeeshay waxbarashada Soomaaliya
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:52 0:00


XS
SM
MD
LG