BERBERA —
Dekedda cusub ee magaalada Berbera oo ay dib u habeyn ku sameysay shirkadda laga leeyahay Imaaraadka Carabta ee DP World ayaa maanta dib loo furay, ayada oo munaasabdda ay ka qeyb-galeen wufuud caalami ah.
Wufuudda ka qeyb gashay ayaa waxaa ka mid ah kuwa ka socday dalka Ethiopia, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyada ee Ethiopia Axmed Shide. Wafdiga waxaa sidoo kale ku jira madaxweynaha dowladda deegaanka Soomalida Ethiopia Mustafe Muxumed Cumar,
Warbixintan waxaa Hargeysa kasoo diray Khadar Maxamed Cakule.