Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Militariga Soomaaliya 'oo dilay' 17 ka mid ahaa Al-Shabaab


Somali Army
Somali Army

Militariga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Talaadadi shalay sheegay in 17 ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab ay ku dileen howlgallo ay ciidanka qabalka sida ka wadaan deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Afhayeenka ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, Gaashaanle Sare Cali Xashi Cabdi ayaa warbaahinta Dowladda Soomaaliya u sheegay in dagaallada lagu dilay maleeshiyaadka Al-shabab ay ka dhaceen tuulooyinka Wararaxley, Qurac-madoobe iyo Cali-Fooldhere.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabab oo ku saabsan dagaallada ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe.

XS
SM
MD
LG