Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Guddoomiyihii dhallinyarada gobolka Hiiraan oo la dilay


Faarax Diir
Faarax Diir

Kooxo hubeysan ayaa xalay ku dilay magaalada Baledweyne guddoomiyihii Ururka Dhallinyarada Gobalka Hiiraan Faarax Cabdi Cali (Faarax Diir), iyagoo sidoo kale dhaawacay laba qof oo kale oo goobta ku sugnaa.

Sida uu ku soo warramayo wariyaha VOA ee magaalada Beledweyne Xuseen Xasan Dhaqane, Faarax Diir oo sidoo kale kamid ahaa samafaleyaasha magaalada ayaa lagu dilay maqaaxi dad badan ay ku sugnayeen, iyadoo dadkii dilka geystay ay goobta baxsadeen.

Ciidamada ammaanka ayaa wada baaritaan ku saabsan dadkii ka dambeeyay dilka marxuumkan.

XS
SM
MD
LG