Muwaadiniinta Soomaaliya ee ku nool xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku safra warqadaha aqoonsiga Soomaaliya ayaa sheegaya inay dhibaato ku qabaan inay ka baxaan dalka Kenya oo ay muddo bilooyin ah ku xayiranyihiin, kaddib xiritaankii Safaaradda Soomaaliya.
Safaaradda ayaa markii hore muwaadiniinta Soomaaliya ka heli jireen warqadaha socdaalka ee ay u baahan yihiin.
Wariyaha VOA ee magaalada Nairobi Khadar Maxamuud Xareed ayaa warbixintan inoo soo diray.