Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nin ka mid ah rag dil ka geystay Muqdisho oo la qabtay


Muqdisho

Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay mid kamid ah saddex nin oo xalay degmada Dayniile, gaar ahaan agagaarka Aargada ku dilay Gudoomiyihii Waaxda shanaad ee Kurdamac, Cabdi Cabdulle Cismaan (Juge).

Ninkan la qabtay ayaa isku dayay in uu baxsado, hase yeeshe ciidamada oo eryaday ayaa dhaawacay ninkan hubeysnaa, kaddibna gacanta ku dhigay isaga oo watay bistooladii uu dilka ku geestay.

Xoghayaha degmada Dayniile Mahad Shiraawe ayaa VOA u sheegay in kooxda Al-shabaab ay dambeysay dilkan, wuxuuna intaas ku daray in ay uu socdo baaritaan dheeri ah, isla markaana ay ku raadjoogaan xubnihii kale ee ku lugta lahaa qorshaha dilka Cabdi Juge.

Bishii April ayay aheyd markii ku xigeenkii arrimaha siyaasadda degmada Dayniile Cabdi Maxamed Maxamuud (Dhacow) lagu dilay qarax miimo oo loo dhigay gaarigiisa.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG