MARKA —
Wararka ka imanaya gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Al-Shabaab lagu arkay degaanka Marin Gubaay kadib markii ciidamada AMISOM ay ka guureen saldhiggooda maalintii shalay.
Guddoomiyaha Gobolkaasi Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa u sheegay VOA inay ahayd in ciidamada dawladda Soomaaliya ay beddelaan kuwa AMISOM, taasina aysan dhicin.
Haaruun Macruuf ayuu ugu warramay khadka telefoonka.