Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Warbixin: Xaaladda Waajid oo wali ku jirta "go'doon" dhinaca dhulka ah


Madaxweyne Lafta-gareen

Magaalada Waajid oo qiyaastii 70 km dhinaca waqooyi galbeed kaga beegan magaalada Byadhabo ee caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur-Galbeed ayaa ka mid ah magaalooyinka ku yaalla gobolka Bakool oo muddo 8 sano ah ay Al-Shabaab ka go'doomisay dhinaca dhulka.

Muddadaasi ayay mas'uuliyiinta magaaladu sheegayaan in aysan jirin wax gaadiid ah oo sida badeeco oo gudaha u galay magaalada, mar ay ganacsato isku dayday in ay raashin dhinaca dhulka ku gaarsiiyaan Waajid, Al-Shabaab ayaa jidka u gashay kolonyadaasi halkaasna ku gubay.

Magaalada Waajid ayaa waxaa maanta booqday madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur-Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen iyo wafdi ka tirsan xubnaha labada gole ee maamulkaasi.

Warbixintan waxaa noo soo diray wariyeheenna, Mukhtaar Maxamed Catoosh.

Xaaladda Waajid oo go'doon ku jirta muddo 8 sano ah
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:22 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG