Degmada Xuddun ee gobolka Sool ayaa markii ugu horaysay yeelatay gole deegaan, kaas oo ku soo baxay doorashadii goloyaasha deegaanka ee Somaliland ka dhacday 31kii bishii May.
Golaha ayaa iska dhex doortay duqa magaalada, kaas oo loo doortay Mohamed Jaamac Xirsi Oogle. Doorashda Oogle ka dib ayaa waxaa wareysi la yeeshay wariyaha VOAda ee Laascaanood Cabdikariim Olol.