Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaaliya iyo Kenya oo ku heshiiyay soo celinta xiriirkooda


Wasiirada arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Kenya Maxamed Cabdirizaq iyo Raychelle Omamo ayaa ka wadahadlay soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, kaddib xiriir khadka telefoonka ah oo dhexmaray labada wasiir, kaas oo ahaa mid 'diirran oo wanaagsan' sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay labada wasaaradood.

"Labada wasiir waxay mar kale si rasmi ah u caddeeyeen baahida loo qabo in si deg deg ah dib loogu furo safaaradaha labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya ee magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho, waxayna adkeeyeen muhiimada ay leedahay in xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal uu caadi ku soo noqdo" ayaa lagu yiri bayaan ay soo saareen labada wasaaradood.

Warsaxaafadedkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in wasiirradu ay muujiyeen rajo weyn oo ah hagaajinta xiriirka ganacsiga, iyo amniga ee Soomaliya iyo Kenya.

Bayaanka labada dal laguma qeyxin in waxyaabaha ay ka heshiiyeen uu ka midyahay soo celinta gacansiga Jaadka, kaas oo ka mid ahaa waxyaabaha ugu waaweyn ee xumeeyay xiriirka labada dal.

Wadahadal u billowda labada dal ayaa ku soo aadaya xilli todobaadkan ay dib u billowdeen duulimaadyadii tooska ahaa ee u dhexeeyay Somalia Kenya oo hakad galay bishii hore.

XS
SM
MD
LG