WASHINGTON —
Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa gacanta ku heysa qorshe ay dooneyso inay dib ugu dirto Soomaaliya tiro ka mid ah ciidamada gaarka ah ee Mareykanka, si ay gacan uga siiyaan ciidamada Soomaaliya la dagaalanka Maleeshiyada ururka Al-Shabaab.
Qorshahan ayaa haddii uu hirgalo, qeyb ahaan dib uga noqonaya go’aankii sida deg deg ah uu ciidamada Mareykanka uga soo saaray Soomaaliya, madaxweynihii hore Donald Trump bishii January ee sanadkan.
Trump ayaa Soomaaliya kasoo qaaday inta badan ciidamada Mareykanka oo gaarayey 700 oo askari, wuxuuna ku reebay illaa 100 kaliya.
Warbixin uu arrintan ka qoray Wargeyska the New York Times waxaa inoo soo koobaya Maxamed Cabdi Xassan.