CAIRO —
Militariga Israel ayaa sheegay in ay xalay madaafiic ku garaaceen bartilmaameedyo ay Gaza ku leeyihiin ururka Xamaas, weerarkaas oo ay ku sheegeen mid jawaab u ahaa buufinno holcayay oo ay Xamas u dirtay Koofurta Qudus.
Xiisadahan cusub ee labada dhinac ayaa ka dambeeyay kaddib marki ay Talaadadi shalay kumannaan Israaiiliyiin mayal adag oo ruxayay calamo ay socod ku mareen qeybo ka mid ah Bariga Qudus oo ah halka ay degaan Falastiiniyiinta ugu badan ee ku nool dhulka la heysto.
Warbixin arrintaasi ku saabsan waxaa Cairo kasoo diray wariyahayaga Bariga Dhexe Xuseen Saxnuni.