Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tirada dhimashada qaraxii xerada General Dhagabadan oo korortay


Isbitaalka Madiina
Isbitaalka Madiina

Ugu yaraan 21 qof ayaa ku dhintay 26 kalena dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray, kaddib markii qarax Ismiidaamin ah lala beegsaday iridda hore ee xerada tababarka militariga ee General Dhagabadan ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ka socotay qorista ciidan cusub.

Xogtan ayey VOA ka xaqiijisay ilo-wareedyo kala duwan.

Dhinaca kale, sida uu warbaahinta dowladda u sheegay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka General Odowaa Yuusuf Raage, dadka dhintay ayaa dhammaantood ahaa dhallinyaro doonayay in ay ka mid noqdan ciidanka Soomaaliya.

Qofka is qarxiyay ayaa la sheegay inuu soo dhexgalay dhallinyaro loo diiwaan galiyay ka mid noqoshada ciidanka Soomaaliya.

Weriyaha VOA ee Muqdisho Cabdulqaadir OK ayaa warbixintan soo diray.

Qarax ka dhacay xero ku taalla Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:44 0:00


XS
SM
MD
LG