Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gaalkacyo: 17 qof oo dil lagu xukumay


Dadka la xukumay

18 qof oo Maxakamadda Ciidamda Puntland ay dhawaan ku riday xukunno dil ah kadib markii lagu helay falal argagixisnnimo ayaa maanta maxkamadda sare ee ciidamda ay ayidday xukunkii lagu riday.

17 ka mid ah dadkan ayaa lagu xukumay dil, halka ay midka 18-aad ku xukuntay xabsi daa’in.

Ehellada mid ka mid ah ragga la xukumay ayaa VOA u sheegtay inay maxkamaddu ahayd caddaalad darro. Waxay codsatay in magaceeda la qariyo sababo dhinaca amniga ah.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada Puntland Jeneraal Maxamuud Cabdi Maxamed ayaa go’aankan maxkamadda uga warramay weriyaha VOA ee Gaalkacayo Cabdiwaaxid Macalin Isxaaq.

Hoos ka dhageyso wareysiga Maxamuud Cabdi Maxamed iyo codka mid ka mid ah ehellada.

please wait

No media source currently available

0:00 0:07:45 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG