Isku xirrada

War Deg-Deg ah

'Duulimaadyada Soomaaliya iyo Kenya oo xilli kasta hakad geli kara'


Garoonka Jomo Kenyatta International airport
Garoonka Jomo Kenyatta International airport

Saameyn xooggan ayuu ku yeeshay shacabka labada dal xayiraaddii horey ay dowladda Kenya u saartay diyaaradahii u kala gooshi jiray Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo dhowaan dib loo qaaday.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya ayaa lagu sheegay inay go’aanka qaadatay, ayada oo la eegayo dhex-dhexaadin la sameeyey. Kenya ma shaacin cidda sameysay dhex-dhexaadinta.

“Tallaabadan niyad-wanaagga ah waxaa la qaatay ayada oo la eegayo danta labada dal iyo in la rajeynayo inay horseedi doonto in si buuxda loo caadiyeeyo xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya oo ay ku jirto diblomaasiyadda, ganacsiga iyo xiriirka shacabka labada dal,” ayaa lagu yiri qoraalka Kenya.

Aqoonyahanada Soomaalida ah qaarkood ayaa u arka in haddii aan xal buuxa laga gaarin arrimaha diblomaasiyadda la xiriira ee labada waddan ay mar kale saameyn ku yeelan karto shacabka labada dal, oo xilli kasta la hakin karo duulimaadyada.

Sida uu warbixintaan ku eegayo weriyaha VOA-da ee Muqdisho Cabdicasiis Barrow.

"Duulimaadyada Soomaaliya iyo Kenya oo mar kale hakad geli kara'
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:07 0:00


XS
SM
MD
LG