MUQDISHO —
Dawladda Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay inay doonayso in lasoo celiyo xiriirkii diplmaasi ee kala dhexeeyey Kenya oo xumaa sanadihii dhowaa.
Qoraal ay wasaaradda arrimaha dibedda ee Soomaaliya u qortay wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa dawladda Soomaaliya ugu baaqday Kenya inay dib u furto safaaraddeeda Muqdisho. Taas iyadoo ka jawaabaysana Soomaaliya waxay sheegtay inay iyaduna dib u furi doonto safaaradda magaalada Nairobi.
Haddaba aragtida ay dadka qaar ka qabaan xiriirkan Soomaaliya iyo Kenya ee soo hagaagaya, waxaa warbixintan inooga soo diray Xasan Kaafi Qoyste.