Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Duulimaadyada tooska ah ee Soomaaliya iyo Kenya oo dib u billowday


Kaddib mudo ah bil ah oo ay hakad ku jireen duulimaadyadii tooska ugu kala gooshi jiray dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxaa maanta oo Axad ah dib u bilowday safarada dhanka cirka ee magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho.

Arrintaan ayaa ka dambaysay kaddib markii 10-kii bishan ay dowladda Kenya shaacisay inay qaaday xayiraaddii ay bishii May kusoo rogtay duulimaadyadii diyaaradaha ee Soomaaliya.

Tilaabadan ayaa waxaa ku farxay ganacsata Soomaalida ee diyaaradaha ee Nairobi oo sheegay in muddadii ay xayiraaddu jirtay uu ganacsigoodu soo wajahay khasaare weyn.

Duulimaadyada tooska ah ee Soomaaliya iyo Kenya oo dib u billowday
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:14 0:00


XS
SM
MD
LG