Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay magaalada Dhuusamareeb


Galmudug
Galmudug

Wararka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamul goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in rag hubeysan ay xalay gudaha magaaladaas ku dileen saddex qof oo rayid ah, kaddib markii ay rasaas ku fureen maqaayad ay ku sugnaayeen.

Wariyaha VOA-da ee deegaannada Galmudug Cabdiwahid Macallin Isaaq ayaa sheegay in qof kale oo isna rayid ahaa uu ku dhaawacmay weerarkan.

Laamaha amniga oo ay la xiiirtay VOA ayaa ka gaabsaday inay ka warbixiyaan dhacdadan oo ay geeysteen rag ku labisnaa dharka militariga Soomaaliya.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dadka geeriyooday qaarkood ay ahaayeen ganacsato, waxaana dhacdadan baaraya hay'adaha amniga Galmudug.

XS
SM
MD
LG