Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Urur kaalmeeya ardayda aragga naafada ka ah


Soomaaliya , si waafi ah carruurta naafadaha ah uma helaan waxbarasho, dalkana kama jiraan inta badan goobo gaar u ah in wax lagu baro ilmaha naafada aha, taas ayaa keentay in badi carruurtaasi ay iska joogaan guryaha iyaga oo aan niyad ahaan wanaagsaneyn.

Haddaba magaalada Muqdisho waxaa laba sano ka shaqeynaya uUrur ay sameysteen aqoonyahan dhallinyaro ah oo aragga naafo ka ah kuwaas oo u istaagay sidii wax loo bari lahaa ilmaha yar yar ee aragga la' ee aan waxbarashada aadin. waxayna durbaba ku guuleysteen in waalidiin badan ay ka dhaadhiciyaan in ubadkooda ay ku daraan dugsiyada waxbarashada.

Weriyaha VOA-da ee Muqdisho Cabdicasiis Barrow ayaa warbixintaan ku eegaya dadaalka ay dhallinyaradaasi ku jiraan, ee ah in dadka naadafa ah wax la baro.

Dhageyso warbixinta ardayda naafada ah
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:56 0:00


XS
SM
MD
LG