Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda federaalka oo beenisay in ciidamo Soomaali ah ay ka tageen Tigray


Osman Dubbe
Osman Dubbe

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa mar kale beeniyey in ciidamo Somaali ah ay tageen gobolka Tigray ee dalka Ethiopia. Waxa kale oo uu beeniyey inay tageen magaalada Axum.

Wasiirka oo ka hadlay shir jaraa’id oo Muqdishouu ku qabtay ayaa sheegay in tababarka ciidamka la siyaasadaynayo.

Dubbe ayaa sheegay in ciidanka ay noqdaan dhallinyaro qaan gaar ah, oo go'aankooda ayaga leh, kuwa tababarka aadayna ay sidaas yihiin.

Dubbe ayaa intaas ku daray in ciidamada ku maqan Eritrea ay la mid yihiin kuwa kale ee tababarka u jira dalalka kale ee caalamka, sida Turkiga, balse aysan jirin ciidan tegay gobolka Tigray.

“Siyaasiyiinta dunida kama hadlaan arrinta ciidamada, sababtoo ah waa sir qaran, balse waxaad moodaa in siyaasiyiinteena ay arrintan ciidamada ka Eritrea la geeyey ka dhigteen olole doorasho,” ayuu yiri Dubbe.

Dhinaca kale waxa uu wasiirka sheegay in Kenya aysan duqayn ka fulin karin Soomaaliya, yadoo aan marka hore lagu war gelin taliska Amisom iyo dawladda Soomaaliya.

Dhowaan ayaa dawladdu Kenya ku eedaysay inay duqayn ka gaysatay Ceel Cadde taasoo sababtay dhimasho. Kenya waxay sheegtay in Amisom ay tahay inay ka jawaabto eeddaas, maadaama ciidankeedu ka tirsan yihiin amisom.

Warbixintan waxaa Muqdisho kasoo dirtay Seynab Abuukar.

Dowladda federaalka oo beenisay in ciidamo Soomaali ah ay ka tageen Tigray
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:05 0:00


XS
SM
MD
LG