Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Dibadbax lagu dalbaday soo celinta dhallinyaradii loo qaaday Eritrea


bannaanbax
bannaanbax

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda bannaanbax ay dhigayaan waalidiinta Soomaaliyeed ee carrurtooda tababarka ciidan loogu qaaday waddanka Eritrea, kuwaas oo dowladda ka dalbanaya in ilmahooda nolol iyo geeri meel loogu sheego.

Wariyaha VOA ee magaalada Muqdisho Cabdulqaadir Cabdulle ayaa soo sheegay in waalidiintan isku yimaadeen isgooyska KM4, xilli roob xoog leh ka da'ayo magaalada, iyaga oo codsanaya helitaanka xogta carruurtooda.

Mid ka mida hooyooyinka ka hadlay dibadbaxan ayaa tiri "Haddii uu dhintay wiilkayga ii sheega waan samri lahaa. Midkii ka yaraa ayaa iga dhintay laba bil kahor waana ka samray"

Warbixinta sanadlaha ah ee Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in ciidan Soomaali ah lagu arkay gobolka Tigray, halkaas oo ay ka socdaan dagaallo u dhexeeya ciidamada militariga Itoobiya oo ay taageerayaan kuwa Eritrea iyo jabhadda TPLF, waana arrinta soo shaacbixisay xogta dhallinyarada.

Dowladda Soomaaliya weli kama hadlin, waxaase waalidiinta iyo warbaahintuba ay sugayaan xog ka soo baxda dhanka dowladda Soomaaliya.

Madaxweyneyaal hore iyo siyaasiin ayaa si adag arrinkan uga hadlay dhowr jeer oo hore, iyaga oo dowladda ku cadaadiyay in ay warbixin sugan shacabka Soomaaliyeed ka siiso dhallinyarada.

XS
SM
MD
LG