Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kukul uga hadlay xaalada dhallinyarada Soomaaliyeed ee tababarka loogu diray waddanka Eritrea, kuwaas oo la sheegay inay ka qeybgaleen dagaalka ka socda waddanka Itoobiya.
Muuqaal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu madaxweyne Xasan Sheekh dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in aysan wax akbaar ah waalidiinta Soomaaliyeed ka siin xaaladda ay ku suganyhiin dhallinyaradaas.
"Hooyooyinka dariiqa taagan maalin kasta ee oynaya xaq ayay u leeyihiin in loo sheego xaaladda ilmahooda" ayuu yiri Xasan Sheekh oo intaas ku daray "Madaxweynihii hore, Xukuumadda hadda jirto iyo hoggaanka ciidanka waxaan ka dalbaneynaa inay dhallinyaradaas xaaladooda keenaan"
"Dhallinyaradaas waa la iibsaday. Wax kale oo aan anigu ku tilmaamo ma aqaan. Waxaa la qarinayaa wax si khalad ah loo sameeyay" ayuu sheegay Xasan Sheekh Maxamuud.
Wuxuu dowladda ku eedeeyay in aysan wax warbixin ah waalidiinta Soomaaliyeed ka siin ilmahooda. "Qaramada Midoobay ayaa ka hadleysa, oo leh waxaan soo ogaanay in dhallinyaro Soomaaliyeed oo Eritrea tababar loo geeyay inay dagaal ka galeen Itoobiya dhexdeeda" "Dowladeenna maxaa ku dhacay, maxay arrintan uga hadi la'dahay? ayuu weydiiyay Xasan Sheekh.
Arrintan ayuu madaxweyne Xasan Sheekh ku sheegay inay tahay mid aan qarsoomi doonin, isagoo ugu baaqay madaxda dowladda inay runta ka sheegaan.