Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Natiijooyinka doorashadii gobolka Maroodi-jeex oo la shaaciyey


Doorashada Somaliland
Doorashada Somaliland

Waxaa xalay lagu dhowaaqay natiijada hordhaca ah ee Golaha Wakiillada ee Gobolka Maroodi-Jeex ee Somaliland oo ahaa gobolkii u dambeeyey ee la shaaciyo natiijadiisa.

Waxaa sidoo kale la shaaciyey natiijada golaha degaanka ee magaalada Hargaysa. Natiijada ayaa rasmi ahaan loogu xaqiijin doonaa goor dambe.

Dhinaca kalena, Musharaxii ugu codka badnaa taariikhda doorashooyinka Somaliland ayaa noqday Cabdikariim Axmed Mooge oo ka mid ah xubnaha helay kuraasta golayaasha degaanka ee Hargaysa. Guushiisa kadib ayuu maanta sheegay inuu u taagan yahay inuu noqdo duqa cusub ee magaalada Hargeysa.

Wararkii ugu dambeeyey ee doorashooyinka waxaa Hargeysa kasoo diray weriyaha VOA Khadar maxamed Cakule.

Natiijooyinka doorashadii gobolka Maroodi-jeex oo la shaaciyey
please wait

No media source currently available

0:00 0:08:51 0:00


XS
SM
MD
LG