Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Magaalooyinka Muqdisho iyo Jigjiga oo laga xusay maalinta Deegaanka


Dunida waxaa maanta laga xusay maalinta caalamiga ah ee Deegaanka, waxaana Soomaaliya sanadihii lasoo dhaafay dhibaatooyin ku hayay arrimo ka dhashay isbedelka cimilada.

Daadad saameyn ba'an ku yeeshay magaalooyinka qaar, dalaggii beeraha oo hoos u dhacay, abaaro soo noqo-noqday iyo Ayax deegaankii xaalufiyay ayaa sanadihii u dembeeyay laga cabanayay.

Haddaba weriyaha VOA-da ee Muqdisho Cabdicasiis Barrow ayaa waxa uu wereysi la yeeshay Agaasimaha waaxda deegaanka ee Xafiiska Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya Axmed Yuusuf Axmed, waxa uuna ugu horreyn weydiiyay dhibaatooyinka arrimaha deegaanka ee ay Soomaaliya wajaheyso.

Wareysiga agaasimaha waaxda deegaanka ee Xafiiska Raysulwasaaraha Soomaaliya
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:18 0:00

Dhinaca kale munaasabad lagu xusayay maalinta deegaanka ayaa waxaa maanta lagu qabtay magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad Deegaanka Somali State.

Wariyaha VOA Maxamed Cabdiraxman Gaataa ayaa warbixintan ka soo diray magaalada jigjiga.

Warbixinta maalinta Deegaanka ee Jigjiga
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:15 0:00


Wariyaha VOA Maxamed Cabdiraxman Gaataa ayaa warbixintan ka soo diray magaalaa Jigjiga.

XS
SM
MD
LG